Go’aanno hor leh ayaa kasoo baxay shir maanta oo khamiis ah ka qabsoomay caasimadda Nairobi oo ay isugu yimaadeen madaxa maamulka Riddada Puntland Saciid Deni, madaxa maamulka ashahaada la dirirka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ku metelayay madasha mucaaradka oo ay ka mid ahaayeen Xasan Cali Khayre, Saacid Shirdoon iyo Cabddiraxmaan Cabdishakuur.
War-murtiyeed ay wada-jir u soo saareen mas’uuliyiintani ayaa lagu sheegay in shirkan lagu gorfeeyey xaaladda guud ee dalka, waxaana laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
In Ia dhiso Gole ay ugu magac-dareen Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta mucaaradka iyo maamullada Riddada ah ee Jubaland iyo Puntland.
In si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado bay dhaheen, go’aanna looga gaaro xaaladda kala-guurka ee siyaasadda kooxda Riddada Soomaaliya.
In shirka soo socda lagu dhammeystiro dhismaha wax ay ugu yeereen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Go’aannadan ayaa u muuqda kuwo soo afjaray warar saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal-hayay oo sheegayay in Gurguurte iyo Axmed-madoobe ay isku soo dhawaadeen, isla markaana ay ku kulmayaan magaalada Kismaayo.