Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Kenya ayaa ku baaqay in madaxweynaha dalkaasi William Ruto uu is-casilo, kadib markii uu ciidanka booliska dowladdiisa ku dhiirrigeliyay inay rasaas ku furaan dadka banaanbaxaya, xitaa lugaha ka jebiyaan, dadka lagu arko iyagoo boobaya ama hanti gubaya xilliyada mudaharaadyada.
Kalonzo Musyoka oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa hadalka Ruto ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo si toos ah uga hor imaanaya qawaaniinta u dagsan, isagoo ku baaqay in Ruto xilka laga qaado haddii uusan is-casilin.
Dhankiisa ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa si adag u cambaareeyay amar uu dhawaan William Ruto siiyey ciidamada booliiska oo ahaa in ay si toos ah u toogtaan dadka marka dibadbaxyadu dhacayaan rabshadaha gaysta, gaar ahaan kuwa hantida dadka iyo dowladda waxyeellada u gaysta.
“Dalkaan waa in mar walba aan doorannaa sharciga iyo habraaca saxda ah, kana hortagnaa rabitaanka lagu siinayo booliiska awood ay dad rayid ah ku toogtaan, xitaa marka ay muwaadiniintu u muuqdaan kuwo jebiyay sharciga.”.
Madaxweynaha Kenya ayaa maalinkii arbacadii sheegay inuusan oggolaan doonin “fowdo lagu soo dhax qariyay mudaharaadyo nabadeed,” taasoo si weyn uga careysiisay shacabka Keenyaanka ah , iyada oo ay dalka hareeyeen kacdoonno xiriir ah oo sababay dhimashada in ka badan ilaa 30 qof, sida uu sheegay guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya.