Magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, waxaa maanta gaaray xubno ka socda mucaaradka, kuwaas oo halkaas uga qayb geli doona shirkii mucaaradku ialaacmiyeen inuu dhowaan ka dhici doono magaaladaasi.
Xubnaha mucaaradka ee gaaray Kismaayo waxaa hoggaaminayay ninka lagu magacaabo Koofi oo ah xog-hayaha guud ee madasha mucaaradka ee ay ugu yeeraan samatabixinta, waxaana la socday xubno kale.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Riddada Jubbaland murtad Maxammed Ibraahim Oogle, ayaa siyaasiyiintan kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo, hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay inay ku guda jiraan qaban-qaabada shir-weyne dhowaan ka furmi doono magaaladaasi oo ay isugu iman doonaan siyaasiyiinta mucaaradsan Gurguurte.
Dhankiisa murtad Koofi, oo hadlayay ayaa sheegay in uu wefdigiisa horudhac u yahay siyaasiyiin badan oo kusoo wajahan xarunta maamulka ashahaada la dirirka Jubbaland, si ay halkaas uga qaybgalaan shirka ka dhanka ah murtad Gurguurte ee ka dhici doono Kismaayo dhowaan.
Siyaasiyiinta mucaaradka ugu badan waxay hadda ku suganyihiin magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasoo ay ka bixi doonaan sida lasoo weriyay, halka xubno kalena ka iman doonaan dhanka magaalada Garoowe oo xarun u ah maamul-goboleedka Riddada Puntland.