Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ku waramaya in maanta magaaladaasi uu ka dhici doono shir xasaasi ah kaaso ay yeelanayaan xubnaha mucaaradka ridada ee la magacbaxay golaha “Mustaqbalka”
Shirkaan ayaa la tilmaamay ay looga hadli doono sida ay mucaaradka uga tashan lahaayeen shirka ay iclaamisay kooxda ridada ee dhexmaraya mucaaradka kooxda Xasan Gurguurte.
Xubnaha shirkaasi ka qeygalaya waxaa kamid ah Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo xubnaha golaha “Samatabixinta” ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Warar soo baxayey ayaa sheegaya in mucaaradka ay saluugsan yihiin hanaanka loo maray gogosha ay fidisay kooxda ridada ee Gurguurte taasoo ay sheegtay inuu ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Mucaaradka ayaa horay u dalbaday in kooxda ridada Soomaaliya dhammaadka bishaan ay qabato shir ay isugu yimaadaan mucaaradka iyo kooxda ridada ee Xasan Gurguurte, iyadoona kooxda ridada ay shirkaasi ku dhawaaqday.
Lama oga waxa kasoo bixidoona shirka mucaaradka ee ka dhacay dalka Kenya, iyadoona wali uu taagan khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya labada dhinac.