Shirjaraa’id oo ay qabteen siyaasiyiinta mucaaradka Riddada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayey kaga hadleen mowqifkooda ku aaddan doorashada Riddada ee ka dhacaysa Muqdisho.
Mucaaradka Riddada waxay sheegeen in doorashadaasi u aqoonsaneen inay tahay mid aanan sax ahayn, islamarkaana aysan aqbali doonin waxa kasoo baxa.
Waxay intaasi raaciyeen inuu Xasan Gurguurte doorashadaasi kaga dan leeyahay inuu sameysto muddo kordhin taas oo ay sheegeen inaysan marnaba ka yeelli doonin arrintaasi.
Hadalka mucaaradka Riddada wuxuu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda Muqdisho ay ka dhacayso doorashada deegaanka gobalka Banaadir oo ay soo abaabushay kooxda Riddada ee Xasan Gurguurte.