Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen mucaaradka ridada ayey kaga hadleen waxyaabihii ay kala kulmeen kulamadii dhaawan ay la qaateen madaxa kooxda ridada Soomaaliya murtad Xasan Gurguurte.
Xubno ka hadlay kulanka mucaaradka ayaa sheegay in ay fashilmeen wadahadaladii u dhaxeeyey mucaaradka iyo Gurguurte, isagana uu sabab u ahaa inay fashilmaan kulamadaasi.
Waxay sheegeen mucaaradka inuu Gurguurte ku adkeystay qorshihiisa, diidayna wax xal ah in laga gaaro arrimaha la isku heysto oo ay kow ka tahay arrinta doorashooyinka.
R/Wasaare hore murtad Saacid oo kulanka mucaaradka ka hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin doorasho kasto oo aanan heshiis lagu ahayn oo uu qabto Gurguurte.
Arrintaan waxay imaanaysaa xilli ay burbureen wadahadaladii u socday madaxa kooxda ridada Soomaaliya iyo golaha mucaaradka ee “Mustaqbalka” kaasoo lagu kala tagay.
Burburka kulamadii mucaaradka iyo Gurguurte ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli Xasan Gurguurte oo doonayo in maamulada ridada ee Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur-galbeed ka qabto doorashada uu isaga wado taasoo ay aad kaga soo horjeedaan mucaaradka.