Warsaxaafadeed ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan golaha la baxay mustaqbalka Soomaaliya, ayaa si wayn loogu diiday muddo kordhin hal sano ah oo ay sameysteen madaxda kooxda Riddada Soomaaliya.
Muddo kordhintan ayaa timid markii xildhibaannada baarlamaanka daaquudka Riddada ay ansixiyeen dastuur gaaleed cusub, kaasi oo meesha ka saaraya midkii hore ugu degsanaa ee ay ku dhaqmi jireen, midka cusub ee ay sameysteen ayaa dhigaya in muddo kordhin hal sano ah ay helayaan hay’adaha kooxda Riddada.
Bayaanka kasoo baxay golaha mucaaradka ayaa lagu diiday muddo kordhinta ay sameysteen madaxda Riddada, waxaana lagu sheegay inay cad uga soo horjeedaan isku day kasta oo ay muddada xil haynta ku kororsanayaan baarlamaanka daaquudka ah iyo madaxweynaha Riddada.
Muddo xileedka xildhibaannada baarlamaanka Riddada ayay sheegeen inay ku egtahay 14-ka bisha soo socota ee Abriil, halka muddo xileedka madaxa kooxda Riddada murtad Gurguurtena ku egtahay 15-ka bisha May.
Madaxda kooxda Riddada ayay uga digeen inay joojiyaan muddo korosiga ay ku howlanyihiin, sidoo kalena horseedin inay dhacaan xiisado siyaasadeed iyo kuwa dagaal oo Muqdisho martigeliso, waxay tusaale usoo qaateen dagalladii ka dhashay muddo kordhintii uu sameystay murtad Farmaajo 2021-kii.
Golahan waxaa ku mideysan siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada ashahaada la dirirka ee Puntland iyo Jubbaland, waxay horay u diideen dastuur gaaleedka cusub ee ay ansixiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada dawaaqiidda iyo madaxweynaha kooxda Riddada Soomaaliya murtad Gurguurte.