Ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ee ka jihaada galbeedka qaaradda Afrika, ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay deegaanno iyo saldhigyo ciidan oo kuyaalla wadamada Burkina Faaso iyo Maali.
Mujaahidiinta ayaa tan iyo jimcihii gacanta ku dhigay dhowr xero ciidan oo ay leeyihiin maleeshiyaatka xukuumadda Riddada wagaduugu, kuwaas oo ay isaga carareen halka kuwa kalena dagaal looga saaray.
Dhanka waddanka Maali, Jamaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin, ayaa gacanta ku dhigtay habeenimadii isniinta saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka saykaasu.
Dhanka kale ilaa saddax askari oo katirsan maleeshiyaadka xukuumadda Riddada Boomaako, ayaa lagu dilay weerar mujaahidiintu ay ka fuliyeen wilaayada Gaawa, hub iyo mootooyin qaniima ahna gacanta ayay ku dhigeen.
Mu’asassada Azallaqah ayaa faafisay sawirro muujinaya qanaa’im kala duwan o ay mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.
Jamaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin ayaa qayb ka ah faraca mujaahidiinta Al-qaacidda ee dhulka Maghirbul islaam, waxayna halgan adag kaga jirtaa waddamada dhaca saaxilka iyo saxaraha qaaradda, si sharciga Allaah loogu oogo.