Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxay maanta oo Jimco ah weerar madaafiic ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba, xilli uu halkaasi kasoo degay murtad Xasan Gurguurte, madaxa kooxda Riddada Soomaaliya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in murtad Gurguurte, uu si dirqi ah kaga badbaaday weerarka, si deg deg ahna loogala cararay garoonka diyaaradaha ee weerarka la kulmay, iyadoo ay madaafiicdu ku dhaceen garoonka iyo agagaarka diyaaradda uu kasoo degay.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah weerarada ay mujaahidiintu ku beegsanayaan madaxda iyo maleeshiyada Riddada ee saliibiyiinta ku garab siinaya dagaalka ka dhanka ah shareecada Allaah, dhowr jeer oo hore ayuu murtad Gurguurte ka badbaaday isku dayo dil ah oo la doonayay in lagu khaarajiyo.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Yugaandha iyo maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmada Jannaale ee wilaayada Sh/hoose, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalka la isku adeegsanayay ayaa laga maqlayay Jannaale iyo nawaaxigeeda.