Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Bakool, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaal degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada mujaahidiintu ku mireen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Xudur, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Faahfaahin lagama helin khasaaraha dagaalkan kasoo gaaray maleeshiyaadka murtadiinta, maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeen ah, waana mid ka mid ah weerarada habeen-dheelmadka ah ee ay ciidamada mujaahidiintu ku miraan saldhigyada iyo fariisimaha murtadiinta iyo saliibiyiinta.