Ciidamada mujaahidiintu waxay goordhow madaafiic culus ku garaaceen xerada maleeshiyada Riddada ee Hiilweyne oo kutaala waddada dheer ee xiriirisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo degmada Balcad ee Sh/dhexe.
Madaafiicdu waxay Allaah fadligiis ku dhaceen gudaha xerada, waxaana xusid mudan in xilliga duqayntu dhacaysay uu xerada ku sugnaa taliyaha guud ee maleeshiyaadka Riddada murtad General Odowa Yuusuf Raage, halkaas oo uu ka socday kulan uu la lahaa saraakiil ka tirsan murtadiinta.
Xog faahfaahsan lagama helin khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Insha’Allaah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ah la beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka Ridsada ay kaga suganyihiin xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ah ay kaga suganyihiin degmada Buurhakaba ee wilaayada Baay, dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaana halkaas ka dhacay.