Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Muqdisho Iyo Hargaysa Oo Isku Haysta Maamulka Hawada Eedaymana Isu Jeediyay.
  • Allposts
  • Warar

Muqdisho Iyo Hargaysa Oo Isku Haysta Maamulka Hawada Eedaymana Isu Jeediyay.

February 14, 2024

Kooxda Riddada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargaysa, ayaa eedaymo kulul isu mariyay warbaahinta, kuwaas oo ku aaddan cidda leh maamulka hawada Soomaaliya.

Maareeyaha waxay ugu yeeraan hayadda duulista hawada maamulka Somaliland, Cumar Sayid Cabdillaahi. ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kooxda Riddada Somalia ku eedeeyay inay diiday fulinta heshiisyo sida uu sheegayay dhigayay in labada dhinac ay wada maamulaan hawada, isla markaana dhaqaalaha la qaybsado.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in muddo lix sano ah oo kooxda Riddada Soomaaliya ay hawada kaligood si madax bannaan u maamulayeen, ay ku tagrifaleen lacag ku dhaw lixdan milyan oo doollar, waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuu intaas ku daray in kooxda Riddada aysan ka yeeli doonin inay maamusho hawada dalka.

Dhanka kale, war kasoo baxay waxay ugu yeeraan hay’adda duulista hawada ee kooxda Riddada Somalia ayaa lagu sheegay in maamulka hawada Somalia aysan waxba iska beddelin, kooxdeedeeduna ay tahay tan sida rasmiga ah u maamusho hawada dalka, sidoo kalena fasaxda duulimaadyada.

Wasiiru dowlaha amniga kooxda Riddada Maxamed Cali Xagaa ayaa gelinkii dambe ee maanta isagoo meel madal ah ka hadlayay sheegay in Somaliland ay sheegatay inay lasoo wareegtay maamulka hawadeeda balse ay taasi tahay mid aan waxba ka jirin oo been ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maamulka hawada ee maamullada kala fadhiya Muqdisho iyo Hargaysa, ayaa aad u xumaaday, tan iyo 1-dii January, markii Muuse Biixi uu Addis-ababa ku saxiixay heshiis dhigaya in qayb ka mid ah xeebaha Soomaaliya ay yeelanayso Itoobiya oo ah cadow soo jireen ah oo ay Soomaalidu leedahay, kooxda Riddada oo rayul caamka dadka dhinac kale u rogaysa ayaana dagaalka dhanka hawada ah la gashay maamulka Hargaysa, waxayna hawadeeda ka celisay laba duulimaad oo ka kala yimid Itoobiya iyo Imaaraadka, kuwaas oo kusii jeeday Hargaysa.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-08-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-08-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.

January 19, 2026
Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.
  • Allposts
  • Warar

Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada