Abaaro 3:00 (sagaalkii saac) maleeshiyo ka tirsan kuwa murtadiinta ee Bangaraafta oo kasoo duullaan tagay xerada Ballidoogle oo talis u ah saliibiyiinta Mareykanka dalka kusoo duulay ayaa weeraray dad reer Miyi ah oo ku sugnaa aagga Warmaxan halkaas oo ay ku dileen labo kamid ah nabadoonada bulshadii halkaa degganayd.
Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in maleeshiyada Bankarafta ay kusoo dhex dhaceen nabadoonnada iyo hormuudka bulshada oo u fadhiya kala qeybinta lacago diyo ah, waxaana ay si gaar ah u beegsadeen labadii Nabaddoon ee ugu hormuudsanaa, waxayna nabadoonada la dilay kala yihiin:
1- Dudaaye Jurux Rooble oo nabadoon u ahaa dadka ka dhashay beesha Harti-Abgaal ee deggan Sh/hoose.
2- Nabadoon Cirrooy Cabdi oo isna nabadoon u ahaa bulshada Harti-Abgaal ee daggan Afgooye illaa Warmaxan.
Nabadoonnadan ayaa la xaqiijiyay ineysan shaqo ku lahayn mujaahidiinta, waxay ahaayeen rag degaan ku ah Muqdisho, isagana kala goosha dalka oo taga meeshey doonaan, waxaana bulshadii ay nabadoonada u ahaayeen inoo sheegeen iney la yaaban yihiin sababta loo beegsaday indheergaradkooda.
Maleeshiyada Riddada ee Mareykanku ku ugaarto ee Bankaraf ayaa siddeedii bilood ee ugu dambeeyay Sh/hoose ku beegsaday dad badan oo shacab ah iyo xoolahooda, waxaana arrintan ay u muuqanaysaa mid si toos ah logu bareerayo bulshada, halka markii hore ay ku marmarsiyoon jireen iney la dagaalamayaan dad gaar ah oo ay ula baxeen Islaamiyiin.