Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Howlgalkan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku dileen sarkaal Murtad ah oo lagu magacaabi jiray Muxamed Axmed kaasi oo ka tirsanaa saraakiisha Shirkadda Saarasan ee boobka iyo dhibaatada xoogan ku heysa Kheyraadka dalka iyo Dadka Muslimiinta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sarkaalka markii hore uu dhaawac culus soo gaaray balse markii dambe uu baqtiyay dhaawacaas.
Dhanka kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday saldhiga Police-ka dhanka wuqooyi ee uu ka taliyo maamulka Ashahaado Puntland.
Bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo labo gaaraya ayaa lagu tuuray saldhiga, sida ay soo wariyeen ilo lagu kalsoonyahay.
Lama oga khasaaraha ka dhashey weeraradan qaraxyada ahaa, waxaana si guud gobollada uu ka arrimiyo maamulka Puntland joogta ka ah howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.