Maamulka Aala-Sucuud ayaa ogolaaday in ciidamo Maraykan ah la geeyo dhulka Xarameynka, kuwaas oo la sheegay iney ka hortagayaan halista ka imaaneysa dowladda Iiraan.
Ugu yaraan 500 oo askari oo Maraykan ah ayaa hadda la geeyay saldhig ku yaala koonfurta magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud, waana horudhac oo intan kuma eka tiradooda.
Dadka Muslimiinta ah ayaa aad uga horyimid tallaabadan oo ay ku tilmaameen iney tahay duulaan qaawan oo uu Maraykanku ku qaaday mid kamid ah muqadasaatka Muslimiinta.
Dhagayso Maxay ka dhigantahay duulaanka Maraykanka ee dhulka Xarameynka.