Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • New York Times “Soomaaliya madaxweyne ayay dooranaysaa laakin awoodda dhabta ah waxay gacanta ugu jirtaa Argagaxisada” [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

New York Times “Soomaaliya madaxweyne ayay dooranaysaa laakin awoodda dhabta ah waxay gacanta ugu jirtaa Argagaxisada” [Warbixin].

May 15, 2022

Soomaaliya, waxay dooraneysaa madaxweyne cusub, balse awoodda dhabta ah waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, waa ciwaanka warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska New York Times oo kamid ah wargeysada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka Maraykanka.

” Kadib inkabadan 16 sano, Xarakada Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida waxay leedahay awood gundheer, waxay maxkamadaheeda ku kala saartaa dadka is heysta, iyadoo sidoo kale geysta weeraro qaraxyo ah oo ay fuliyeen rag naftood huriyaal ah” ayay leedahay warbixinta Newyork Times.

” dalka waxaa lagu wadaa inuu yeesho hogaamiye cusub maanta oo Axad ah, kadib doorasho dib u dhacay labo sano, 38 musharax oo midi haweeney tahay ayaana u taagan qabashada xilka madaxtinimada, dadkuna waxay is weydiinayaan in dowladda cusub ee iman doonta ay wax ka duwanaan doonto dowladihii hore” ayay leedahay warbixinta uu daabacay wargeyka New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka.

Soomaaliya oo ah dal ay ku noolyihiin 16 milyan, wuxuu ku yaalaa goob istiraatiijic ah oo kamid ah geeska Africa, tobanaankii sano ee lasoo dhaafeyna waxa uu la daala dhacayay dagaalo sokeeye iyo dowlad taag daran, oo lagu xoojiyay ciidamo ka socda golaha amniga iyo gargaarka wadamada reer galbeedka. Marayakanka ayaana doonaya in dalkan aanu noqon goob gabaad iyo hooy u ah jamaacaadka Jihaadiga ee caalmiga ah” ayay tiri warbixinta.

Hiigsigii reer galbeedka ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayay warbixintu tilmaameysaa iney dhicisowday, taas bedelkeedana 325 xillibaan oo lagu soo doortay qaab qabiil ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee ay yeelaneyso Dowladda federaalka ee uu Shisheeyhu taban taabiyo.

Musharixiinta u taagan xilka madaxtnimada oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore iyo rag soo qabtay xilka ra’iisul wasaaranimada ayaa ku dadaalaya iney xilka ka tuuraan Farmaajo oo shanti sano ee lasoo dhaafay hayay xilka, ahna muwaadin heysta dhalashada dalka Maraykanka. Dadka dhaliila ninkaan ayaana ku eedeynaya inuu isku dayay in si sharci darro ah uu kusii joogo Villa Soomaliya.

” Al-Shabaab oo ka faa’ideysanaya xasilooni darrada siyaasadeed ee Dowladda federaalka ayaa todobaadyo iyo bilo kahor doorashada waxay fuliyeen silsilado weeraro ah oo lagu beegsaday saraakiisha dowladda iyo ciidamada Burundi” ayay sii raacisay warbixinta uu daabacay wargeyska Newyo Times.

Sida ay tilmaameyso warbixinta, waraysiyo uu wargeysku la yeeshey inkabadan 20 ruux oo isuga jira saraakiil dowladeed, Xillibaano, dad ka faalooda arimaha ammaanka iyo xitaa shaqaale katirsan Qaramada Midoobay, waxay walaac xoogan ka muujinayaan sida loo wajahayo xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, wixii ka dambeeyay sanadkii 2011-da, xilligaas oo Xarakada Al-Shabaab ay isbedel ku sameysay dagaalkii ay kaga jirtey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xusseen Sheekh Cali, oo horey usoo noqday la taliyihii xagga amniga ee madaxweynihii dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, hadana ah madaxa mahcad reer galbeedka u qaabilsan arimaha Sirdoonka iyo diraasaatka oo Muqdisho xarun ku leh ayaa shanti sano ee uu dowladda federaalka hogaaminayay Farmaajo ku tilmaamay shan sano oo khasaartay.

” Waa shan sano oo ana khasaarney, waxaana ku weynay midnimadii dalka” ayuu yiri Xusseen Sheekh Cali oo la hadlay wargeyska The New York Times.

Doorashada hadda dhaceysa ayay warbixintu tilmaameysaa inuu hareeyey musuq maasuqa, musharixiintana ay lacago ku farraqayaan Xillibaannada, si qof weliba uu fursad ugu helo inuu ku fadhiisto kurisga yaala Villa Somalia.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah gudiga doorashooyinka Dowladda federaalka, macallinna ka ah jaamacad ku taalla dalka Maraykanka ayaa wargeyska uga marqaati kacay musuq maasuqa ka jira doorashada xilligan socota, wuxuuna sheegay in noloshiisa uusan arag musuq maasuq intan la eg, isagoo sheegaya in lacago aad u farabadan la siinayo Xillibaannada.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa isagana ku tilmaamya doorashada mid la kala iibsanayo, oo lamid ah suuqyada waaweyn ee badeecadaha lagu kala iibsado, wuxuuna sheegay in arintas ay dalka ku riixday inuu cagta saaro dhabbaha burburka, sida uu hadalka u dhigay.

Rajo beelka reer galbeedka ee ku aadan siyaasadda fadhiidka ah ee dowladda federaalka ayay warbixintu si aad ah usoo bandhigtay, iyadoona tilmaameysa in bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho ay adeegyada bulshada oo ay kamid tahay garsoorka u doontaan maxaakiim ka howla duleedyada magaalada Muqdisho.

” Dad badan oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed waxay u wareegteen dhanka Al-Shabaab, si ay uga helaan adeegyada ay dowladaha bixiyaan, waxay u safraan deegaanno tobanaan meyl ka fog caasimadda, iyagoo waxyaabaha ay isku heystaan loogu kala gar qaado maxkamado ay maamulaan Al-Shabaab” ayay leedahay warbixinta cusub ee uu daabacay wargeyska New York Times.

Cali Axmed ayaa kamid ah dadka u xukun doontey maxkamdaha ay hirgleisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, lana hadlay wargeyska New York Times. Waxay warbixintu sheegeysaa in ninkaan oo ganacasade ah guri ay qoyskiisu lahaayeen ay xoog kula wareegeen dad kale.

Wuxuu sheegay inuu cadaalad u raadsatay maxkamadaha Al-Shabaab, laba todobaad kadibna ay maxkamaddu soo saartey xukun ah in guriga ay ka baxaan dadka xooga ku heysta, laguna wareejiyo Cali Axmed, waana sida dhacday, sida uu Cali u sheegay wargeyska New York Times.

Cali Axmed, wuxuu intaa ku daray inaanu jirin cid cadaalad u raadsaneysa maxkamadaha Dowladda federaalka. ” xitaa garsoorayaasha Dowladda federaalka waxay si qarsoodi ah kugula talinayaan inaad aado maxkmadaha Al-Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Deegaanka Haan-sheekh.
Next: Xasan Garguurte Oo Markale Loo Doortay Madaxweynaha Federaalka.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-02-1447 Hijri.

August 8, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1447-Hijri.

August 8, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1447-Hijri.

August 7, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada