Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • NEWYORK TIMES: Sarkaal Katirsan Ciidamada Gaarka Ah Ee Maraykanka Oo U Dhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

NEWYORK TIMES: Sarkaal Katirsan Ciidamada Gaarka Ah Ee Maraykanka Oo U Dhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Soomaaliya.

October 15, 2019

Warbixin dheer oo uu qoray wargeyska Newyork Times oo kamid ah wargeysyada uga afka dheer ee kasoo baxa Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay geerida sarkaal katirsan ciidamada Maraykanka sida gaarka ah u tababaran ee ka howlgala wadanka Soomaaliya, kaas oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar kaga yimid dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Alex Konard oo kamid ahaa guutooyinka ciidamada Maraykanka ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya, ayuu wageysku xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar sanadkii hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo huwan ah oo ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni.

“Konard oo 26 jir ah, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar 8-dii June 2018 ka dhacay deegaan yar oo u dhow magaalada Jamaame oo 200 Meyl koonfur galbeed kaga began magaalada caasimadda ah e Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Newyork Times.

Alex oo jooga koonfurta Soomaaliya- waxaa sawirkan baahiyay qoyskiisa.

Wuxuu wargeysku intaa ku daray in Alex Konard uu dhaawac kasoo gaaray wejiga, qoorta, caloosha iyo garabka, kadib markii uu ku dhacay firirka baalooto hoobiye ah oo lagu soo tuuray, ayna la dhaawacmeen 3 askari oo Maraykan ah iyo mid kale oo Soomaali ahaa.

“Abaarihii mar ay saacaddu ku beegneyd 02:45 Duhurnimo, daqiiqado kadib markii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay duqeeyeen saldhig ay ku sugnaayeen ciiidamo Maraykan iyo Soomaali isugu jiray, baalooto hoobiye ah ayaa kusoo dhacday gudaha saldhiga, waxaana xigay is rasaaseyn culus oo deg deg ahayd, qaraxyadii ka dhashey hoobiyaha ayaana dhaawac gaarsiiyay Alex Konard iyo saddex kale oo Maraykan ah” ayuu yiri wargeysku xili uu tilmaamayay sida ay wax u dheceen.

Newyork Times waxay muujineysaa suurtagalnimada in askarigan uu u geeriyooday daryeel xumo caafimaad, maadaama waqti ay qaadatay in loo gurmado, lagana soo saaro goobta lagu weeraray.

Inkastoo ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ay helayaan taageero dhinac weliba ah, diyaaradaha hellecoptes ah ee qaabilsan caafimaadkana ay gaaraan goobtii looga baahdo, kuwa Dronestana ay mar weliba hawada ku jiraan, hadana waxay warbixintu sheegeysaa in dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay awood u leeyihiin iney soo abaabulaan weeraro culus oo si kedis ah u dhaca, sida kii sababay geerida Alex Konard oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada gaarka ah ee Maraykanka, kana howlgala Soomaaliya.

Warbixinta uu qoray wargeyska Newyork Times waxaa looga hadlay daqiiqadii xigay dhaawaca soo gaaray Alex, iyo sida loogu sameeyey adeegyada caafimaad, taas oo banaanka soo dhigeysa dhibaatada ay la noolyihiin ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

“Xilli ay ciidamada Maraykanku dhaawacyada daad gureynayeen, wuxuu Alex Konard ka sheeganayay xanuun uu ka dareemayo garabka bidix oo uu dhaawac kasoo gaaray, dhakhatarkii la socday guutada Maraykanka ayaa qalliin deg deg ah ku sameeyay Alex, si uu uga soo saaro Firirka qoorta kaga jiray, kaas oo ku dhawaa inuu gebi ahaanba gooyo qoorta, markas ayuuna ku xiray qalabka Oxygen-ta si hawo loo gaarsiiyo sambabada”.

Alex wuu neefsanayay, tan iyo marka la keenayay mandiqadda ay diyaaradu soo caga dhigatay oo ay xilligaas joogeen labo diyaaradood oo hellocopter ah, ayna la socdeen dhakhaatiirta gargarka deg dega qaablisan oo katirsan saldhiga ciidamada Maraykanku ku leeyihiin meel 40 meyl u jirta magaalada Kismaayo, diyaaraduhuna waxay goobta soo gaareen 15 daqiiqo kadib markii loo yeeray” ayaa lagu yiri warbixinta.

Wuxuu wargeysku intaa ku daray “markii ay saacaddu ku beegneyd 03:15 galabnimo, diyaaraddii siday Alex Konard waxay soo gaartay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen team caafimaad oo qalliinada qaabilsan, oo sugayay iney la tacaalaan dhaawacyada, laakiin Konard 15 daqiiqo kadib wuu geeriyooday”.

Siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Ameerikaanka ayaa sheegaya in dowladda Maraykanka ay qarisay geerida Alex Konard tan iyo 8-dii June 2018-ka, mar welibana waxaa bayaanaadka Africom si adag loogu beeniyaa iney askar Maraykan ah ku dhintaan howlgallada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo dhalineysa in su’aallo la iska waydiiyo inta ay la egyihiin ciidamada Maraykanka ee ku dhintay Soomaaliya, dowladda Maraykankuna qarineyso.

Sarkaalkan katirsan ciidamada Maraykanka ee hadda ay Newyork Times xaqiijisay inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar ka dhacay Jubbooyinka, ayaa kasoo jeeda gobolka Arizona, wuxuuna ciidamada Maraykanka ku biiray sanadkii 2010-ka, isagoo soo qaatay casharo ku aadan la tacaamulka dadka deegaanka, si macluumaad iyo xogo looga helo Jamaacaadka Jihaadiga.

Ka hor inta aanu imaan Soomaaliya, wuxuu labo jeer howlgal milliteri u aaday wadanka Afqaanistaan oo ay ku suganyihiin kumanaan askar ioo Ameerikaan ah, markii dambena waxaa lagu wargeliyay inuu kamid yahay ciidamada gaarka ah ee ka howlgalaya wadankan Soomaaliya, oo laamiyadiisa billowgii sagaashameeyadii lagu jiid jiiday meydadka ciidamada Maraykanka.

Isagoo ku sugan Soomaaliya, wax kayar hal bil, ayaa Alex Konard waxaa dhaawac halis ah kasoo gaaray weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo huwan ah oo xilligaas soo degay deegaanka Baar Sanguuni.

Warbixinta uu daabacay wargeyska Newyork Times waxaa lagu soo hadal qaaday weerarkii cuslaa ee 01-dii bishan Safar maalinnimo Isniin ah, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday saldhiga garoonka Ballidoogle, oo ah taliska ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu wargeysku xaqiijiyay in weerarkaas uu ka dhashey khasaare nafeed, balse dadka lagu dilay ay ahaayeen dad shacab ah, taas oo ah arin la yaab leh, wargeyskana looga fadhiyo inuu is qabadsiiyo talis Maraykan oo ay shacab deganyihiin!

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saaraty saacado kadib weerarkii Ballidoogle waxay ku xaqiijisay iney ku dishey 121 askari oo Maraykan ah, 12 askari oo Yahuud ah iyo 40 qandaraaslayaal ah, oo u shaqeynayay ciidamada Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegeysa in 500 oo askari oo katirsan ciidamadeeda ay ku suganyihiin Soomaaliya, balse siyaasiyiinta Maraykanka iyo dadka ka shaqeeya maraakizta Diraasaadka ayaa aaminsan in tirada ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ay intaa ka badanyihiin.

Tan iyo markii uu Maraykanku u aqoonsaday qeybo kamid ah Soomaaliya aag dagaal, waxaa jiray Askar Ameerikaan ah oo ku dhintay howlgallada habeen guureynta ah ee ay kusoo qaadayaan deegaannada wilaayaadka Islaamiga.

Maraykanka ayaa qirtay in sarkaal katirsan ciidamada Neavy Seal ee sida khaaska ah u tababaran, laguna magacaabo Kelley Milliken, lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ee katirsan gobolka Shabeellaha hoose, 7-dii May sanadkii 2017-ka.

Wuxuu Maraykanku sidoo kale qirtay in askari lagu magacaaboa Alexdar looga dilay weerar lagu soo qaaday saldhig ay Maraykanku ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 50 Meyl u jira magaalada Kismaayo, sidoo kalena laguna dhaawacay 4 askari oo Maraykan ah, kaas oo midkood hadda ay Newyork Times xaqiijineyso inuu dhintay.

Inkastoo uu Maraykanku intaas qirtay, hadana waxay dad badan oo Soomaali ah, aadna u yaqaana hab dhaqanka iyo dabeecadaha Maraykanka sheegayaan iney  ka badanyihiin inta ay qarsadeen, iyagoo ku maah maahaya “ Gaal Jabkiisa wuu qarsadaa”.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Farxaan Jaamac Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto.
Next: Qarax Lagu Dilay Askar Itoobiyaan Ah.

Related Stories

Dhagayso Sh Abuu Nabhaan Oo Ka Warbixiyay Weerarkii Askarta Badan Lagu Dilay Ee Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Sh Abuu Nabhaan Oo Ka Warbixiyay Weerarkii Askarta Badan Lagu Dilay Ee Ceel-qooxle.

June 22, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1446-Hijri.

June 22, 2025
Mucaaradka Ugu Xooggan Xassan Gurguurte Oo Ku Kulmay Garoowe.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Ugu Xooggan Xassan Gurguurte Oo Ku Kulmay Garoowe.

June 22, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)

June 12, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)

June 9, 2025

Sawirro

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada