Ciidamada mujaahidiinta Nusratul islaam wal-muslimiin ee halganka jihaadka kaga jira galbeedka Africa, ayaa weerar culus oo kamiin ah u dhigay askar ka tirsan murtazaqada saliibiyiinta Ruushka, kuwaas oo ku socdaalayay qaybo ka mid ah gobolka Timbuktu ee dalka Maali.
Weerarkan dhabbagalka ah ayaa beegsaday kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuwa murtazaqada Ruushka oo roondo kaga jiray mandiqadda Agh Anlehi ee ka tirsan gobolka Mobti ee dalka Maali.
Bayaan kooban oo Khamiista maanta kasoo baxay mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam wal-muslimiin ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhaliyay khasaare nafeed, inkastoo aan tirakoob rasmi ah la sheegin, haddana waxaa la xaqiijiyay in tobaneeyo askar oo Ruushiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka.
Weerarka jidgalka ah ayaa dhacay gelinkii dambe ee Talaadadii ina dhaaftay, wuxuuna qayb ka yahay silsilado weeraro jihaadi ah oo ciidamada jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ku dhiigbixinayaan murtazaqada Ruushka iyo ciidamada dowladaha saaxilka iyo saxaraha Africa.
Hoos ka akhriso Bayaanka Mujaahidiinta Maali.