Diyaaradaha dagaalka ee dawladda riddada Pakistan ayaa fiidkii xalay duqayn ba’an oo bahalnimo ah ku beegsaday cisbitaal weyn oo ku yaal caasimadda waddanka Afganistaan ee Kaabul.
Sida ay xaqiijjisay Imaarada Islaamiga Afganistan, ugu yaraan 400 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqayntan, halka 250 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dad goob-joogayaal ah oo warbaahinta la hadlay ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid masiibo ah, iyadoo goobta uu ka kacay dab aad u xooggan, isla markaana dhismihii cisbitaalku uu ku dumay bukaannadii jiifay.
Muuqaallo uu baahiyey telefishan maxalli ah ayaa muujinaya burburka baaxadda leh ee ka dhasahay goobta iyo gaadiidka dab-demiska ah ee Imaarada Islaamiga Afgaanitaan oo la tacaalaya daminta holaca qabsaday dhismaha cisbitaalka.
Dabiixullah Mujaahid, oo ah afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan, ayaa ka hadlay weerarkan waxashnimada ah, waxaanu maamulka Pakistan uu ku eedeeyey inay si bareer ah u beegsadeen cisbitaal rayid oo ku yaal caasimadda Kaabul.
Dowladda daba-dhilifka Pakistan ayaa qiratay in weerarkan iyadu ay fulisay, inkastoo ay dafirtay in ay beegsatay cisbitaal lagu dabiibo dadka rayidka ah. Waxaana aad loo hadal-hayaa falkan foosha xun iyo jawaabta ay ka bixin doonto Imaarada Islaamiga Afganistan.
Weerarkan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha colaadeed ee labada dhinac, kadib markii maamulka Riddada Pakistan uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo uu doonayo inuu ku wiiqo nidaamka islaamiga ah ee ka hanaqaaday waddanka Afganistaan.