Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland ninka lagu magacaabo Maxamuud Caydiid Dirir ayaa isagoo ka hadlayay magaalada Garoowe soo hadal qaaday doorashooyinka uu wado murtad Gurguurte oo ah madaxa kooxda Riddada.
Wasiirka oo si gaar ah uga jaawabayay hadal kasoo yeeray masuul ka tirsan kooxda Riddada Gurguurte oo is barbardhig ku sameeyay nidaamka doorasho ee uu wado Gurguurte iyo kan Deni qabtay ayaa soo hadal-qaaday fashilka amni ee haysta kooxda Riddada Somalia.
Wuxuu tilmaamay in mujaahidiintu albaabada u taagan yihiin Muqdisho xilli kastana ay howlgalladooda fulin karaan hadaf kasta oo ay doonaana beegsan karaan.
Hadalka Maxamuud Caydiid Dirir ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiyiinta iyo warbaahinta caalamiga ah aad uga dayrinayaan xaalada amni ee ay ku sugan tahay kooxda Riddada, taas oo maleeshiyadeeda lagu soo jebiyay gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo wilaayaadka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.