Taliyaha Booliiska maamulka ashahaada la dirirka Puntland, murtad Muumin Cabdi Shire, ayaa xaqiijiyay in ay ka goosteen saraakiil iyo askar badan oo ka tirsanaa maleeshiyadiisa.
Saraakiisha iyo maleeshiyadaasi oo ka goostay magaalada Garoowe, iskuna dhiibay maamulka kooxda Riddada daacadda u ah ee ka dhisan Laascaanood, ayuu sheegay inay la baxsadeen hub iyo gaadiid uu maamulkiisu leeyahay.
Maleeshiyadan iyo saraakiisha hoggaamisa ayuu ku eedeeyay inay horay ugu milmeen arrimaha siyaasadda, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay laynta shacab aan waxba galabsan sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sarkaalkan u hadlay maamulka ashahaada la dirirka ee Puntland usoo jeediyay maleeshiyadaan inay hubka dib ugu soo celiyaan gacanta maamulka Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Deni, haddii ay ka dhaga adeegaan ayuu sheegay inay taasi dhali doonto wax uu ku sheegay khatar.
Dhanka kale, iska hor’imaad u dhaxeeyay maleeshiyada maamulka Riddada ah ee Puntland, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay saldhigga dhexe ee degmada Garoowe.
Iska hor’imaadka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo oo ka tirsan isla kuwa Riddada ee Puntland ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal askari, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan maamulkaasi.
Iska hor’imaadka ayaa ka dambeeyay gadood ay sameeyeen garab ka mida labada dhinac ee dagaallamay, kuwaas oo lasoo wariyay in xabsiga Garoowe looga xirtay askar, waxayna doonayeen inay xoog kusoo furtaan, balse iska hor’imaad ayay kala kulmeen maleeshiyada ku sugan saldhigga Booliiska ee degmadaasi..