Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya inuu fashil ku dhowyahay kulan ay qorsheeynaysay dowladda Kenya inay u qabato mucaaradka kasoo horjeeda dowladda ridada ee Xasan Gurguurte.
Kulankaani oo abaabulkiisa uu leeyahay Mareykanka ayaa waxaa loo xilsaaray qabsoomidiisa dowladda Kenya gaar ahaan Taliyaha Sirdoonka Kenya inuu shir gudoomiyo, waxaana u jeedadiisu ahayd sidii la isugu soo dhaweyn lahaa mucaaradka iyo Gurguurte, iyo in dib loo dhigo shiirka mucaaradka ee lagu wado inuu bishaan ka dhaco magaalada Kismaayo.
Warar soo baxayey ayaa tilmaamayey in dowladda Kenya ay shirkaan ku casuumtay mucaaradka kala ah golaha Samatabixinta, Axmed Maboobe, Siciid Deni, iyo Farmaajo.
Balse illo xogogaal ah waxay tilmaamayaan in murtad Farmaajo uu iska diiday ka qeybgalka shirkaasi, xilli hadda magaalada Nairobi ay kuwada sugan yihiin Axmed Madoobe, iyo xubno ka tirsan golaha Samatabixinta mucaaradka.
Muddooyinkii lasoo dhaafay gaalada Caalamka ayaa culeesyo xooggan saaraysay mucaaradka iyo kooxda ridada ee Xasan Gurguurte, iyadoona digniino loo dirayey dhinacyadaasi inay xal ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee la isku khilaafsan yahay.