Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Dowlada Saliibiyadda Mareykanka lagu dilay Jerenal Qaasim Suleymaani oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowladda Shiicada Iiraan waxaa sarkaalkan lala dilay ku xigeenkii maleeshiyaadka “Xashdu-Shiici” ee dalka Ciraaq .
War ka soo baxay Taliska Ciidamada Ilaada kacaanka ee Iraan ayaa lagu xaqiiyay in uu dhintay Jerenal Qaasim Suleymaani, ka dib duqeyn diyaaradeed oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka kaasi oo ka dhacday caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad .
Sidoo kale TV-ga Ciraaq ayaa sheegay in Qaasim Suleymaani iyo Abuu Mahdil-Muhandis lagu dilay duqeyn diyaaraeed oo ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
War ka soo baxay Wasaarada Gaashaadhiga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in Mareykanka uu duqeyn ku dilay Saraakiishaasi, iyagoona ku eedeeyay in ay ka danbeeyay weeraro lala beegsaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.
Xaalada dalka Ciraaq ayaa kacsan lamana oga waxa xigi doona, maadaama Mareykanka uu dilay Saraakiishaan hogaamineysay maleeshiyaadka Shiicada ee hoos taga dowlada Iiraan .