Ciidamada mujaahidiintu waxay maanta howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen Kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta, kuwaas oo ka baxay degmada Afgooye kuna sii jeeday dhanka deegaanka Laanta Buure ee wilaayada Sh/hoose.
Howlgalka qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana qaraxa uu haleelay gaari Cabdbile ah oo ay ka buuxeen maleeshiyada Riddada, halkaas oo ay ku hinteen 15 murtad oo uu sarkaal ku jiro, waxaana ku dhaawacmay hal murtad oo dhaawiciisu garaab yahay, kana go’ay lug.
Gaari Cabdbilaha ah ee qaraxu haleelay ayaa gubtay, sidoo kale gaari ciidan oo daba socday gaariga gubtay ayaa lasoo wariyay in uu soo gaaray burbur xooggan, waxaana halkaas ku dhintay laba murtad oo gaariga dambe saarnaa.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta waxay laba qarax oo culus la eegteen maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa qaybo ka mid ah xaafadda Al-Hudaa ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare Riddada kasoo gaaray qaraxaasi.