Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay kadib markii qarax lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haya degmada Janaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari nuuca ciidanka xambaara ah ay miino kula qaraxday inta udhaxaysa Buufoow iyo Janaale.
Gabi ahaanba gaariga ayaa gubtay waxaana ku dhintay todobo askari iyadoona ay dhaawacmeen ciidamo kale, sidoo kale xoogaga Al Shabaab ayaa galabta duqeyn ba’an ugeystay saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka uga sugnaayeen Janaale.
Wariyaal ayaa soo sheegay in 40 madfac lala helay saldhigyada ciidamada huwanta ah, intii ay duqeynto socotay ayaa la arkayay holac ka baxayay saldhigyada waxaana gubtay keydad hub iyo teendhooyin udhisnaa cadowga.
Dad ku sugan Janaale ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka ay isaga bexeen saldhigyada kadib duqeyntii galabta waxayna degeen duleedka degmada, Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa larumeysanyahay in uu ka dhashay weerarkii galabta.
Qaraxa iyo duqeyntaan ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay dagaal khasaara culus lagu gaarsiiyay askarta Saliibiyiinta Kenya uu ka dhacay deegaanka Husingow ee Wilaayada Jubbooyinka.