Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan maamulka Puntland.
Ugu yaraan sedax askari oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa dhintay kadib markii qarax lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah xilli uu ku socdaalayay deegaanka Galgala ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso.
War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay qarax ku beegsadeen gaari Tiknika ah waxaana qaraxaas ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in isbitaalka magaalada Boosaason lageeyay dhaawacyada illaa 7 askari oo kusoo waxyeeloobay qaraxii maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Galgala oo hoos taga magaalada Xeebeedka Boosaaso ee dhacda Waqooyi Bari Somalia.