Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Saacadihii lasoo dhaafay Ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada Hoose.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Agagaarka Deegaanka Bariire oo ka mid ah Deegaanada hoostaga Degmada Afgooye ee Shabeelada Hoose.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Ridada Federaalka kuwaasi oo Xilliga qaraxa la socday Mooto.
Saddex Askari oo la socotay Mootada ayaa qaraxa ku dhintay waxaana gabi ahaan burburtay Mootadii qaraxa uu haleelay taasi oo ay lahaayeen Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay Weeraro Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen Duleedka Degmada Afgooye ay ku dileen inka badan Toban ka tirsan Maleeshiyaatka Murtadiinta, Waxeyna Weeraradaasi kusoo furteen Gaari Kaarib ah iyo Labo Moota oo ay lahaayeen Maleeshiyaatka Murtadiinta.
Calamada.com