Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Buulo-mareer, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin ah.
Qaraxa ka dhacay gudaha Buulamareer oo sidii loo qorsheeyay u dhacay, ayaa si gaar ah loola eegtay maleeshiyaad Riddada ka tirsan oo mooto la socday, waxaana halkaas inta la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka mid ahaa maleeshiyadii mootada la qarxiyay la socday.
Isla Sh/hoose, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Jannaale, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.