Qarax khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaar-siiyay maleeshiyada murtadiinta ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyada Booliiska Riddada.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xero Jarmal, waxaana lala eegtay gaari nuuca raaxada ah oo ay wateen maleeshiyaad ka tirsan Booliska Riddada.
Howlgalka ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la hubiyay qaraxaasi ku dhintay hal askari oo murtad ah, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen.