Qarax ayaa ka dhacay gudaha Degmada Diinsoor Oo ka mid ah Goobaha Ciidamada Xabashida Itoobiya kaga suganyihiin Wilaayadaasi.
Qaraxan waxa si gaar ah loola beegsaday Maleeshiyaatka Maamulka Gaala raaca Isku magacaabay Konfur Galbeed, Waxa uu qaraxan sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Maleeshiyaatkaari Murtadiinta ah.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa sababay dhimashada Labo askari iyo dhaawac sarkaal lagu magacaabo Muxamed Gureey kaasi oo uu soo gaaray dhaawac culus waxaa durbadiiba loo soo qaaday dhanka Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ugaarsi xoogan ku haya Shisheeyaha Gaalada ah ee dalka kusoo duulay Maleeshiyaatka Soomaalida Murtadiinta ah ee Kabo Qaadka u ah Shisheeyahaasi.
Calamada.com