Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha hoose loogu geystay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Awdheegle ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada Uganda, kolonyo gaadiid ah oo sahay udaabulay maleeshiyaadka dowladda ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa qarax xooggan oo khasaara dhaliyay lakulmay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax aad u xooggan waxaana goobta qaraxu ka dhacay isku gedaamay ciidamada AMISOM.
Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku miray saldhigga ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee duleedka magaalada Marka.
Daryanka rasaasta iyo hugunka madaafiicda ay labada dhinac isdhaafsanayeen ayaa laga maqlayay deegaanno badan oo katirsna gobolka Shabeellaha Hoose.