Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Gedo, ayaa howlgal qarax ah ka fuliyay gudaha magaalada Baardheere, kaasi oo lala eegtay xarunta maleeshiyaadka murtadiinta, gaar ahaan kuwa sirdoonka ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi, khasaarena waa jiraa.
Dhanka kale, howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen dhinaca bari ee magaalada Baladweyne ayaa lagu khaarahiyay askari murtad oo lagu magacaabi jiray Faarax Ruway, waxaana laga soo qaniimeystay qori uu sitay.
Dhanka Banaadir, ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxay saaka qarax la beegsadeen Bar koontarool oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin xaafadda Godeey Makanne ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Bur-jeed ee duleedka magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.