Wararka laga helayo degmada Baraawe ee Wilaayada Shabeelada hoose waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi uu ka dhacay qarax kaasi oo xog dheeraad ah laga helayo.
Qaraxan waxaa lala beegsaday maleeshiyaatka Ridada iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo maleeshiyaatka Ridada ah waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay hal askari oo isla Murtadiinta ah kaasi oo la xaqiijiyay inuu dhaawiciisa culusyahay.
Dhanka kale tuulada Balow oo hoostagta deegaanka Bariire ee Wilaayada Shabeelada hoose waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka dowladda Ridada.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Waxaa jirta khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo maleeshiyaatka Ridada lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Calamada.com