Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa mareeb ee Wilaayada Galgaduud ee bartamaha dalka Somalia waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay qarax culus.
Qaraxan ayaa dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada, Iyadoo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay Murtad Mahad Bidaar oo ah taliye ku xigeenka Ilaalada Madaxtooyada Galmudug iyo sarkaal kale oo isna ka tirsan Murtadiinta.
Dhowr jeer ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey gudaha degmada Dhuusa mareeb ka fuliyeen weeraro kala duwan oo ay ku dileen saraakiil ka kala tirsan gaalada soo duushay iyo kuwa Ridada.
Calamada.com