Qarax ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka kaasi oo ku socdaalayay gudaha Degmada Waabari ee Magaaladan Muqdisho.
Qaraxan waxaa dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Degmada Waabari iyo Degmopoyinka Dariska la ah.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa ku dhaawacmay Labo askari kuwaasi oo iyagoo dhaawacyadooda culusyihiin loola cararay Goobaha Caafimaadka.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah Dowladda Federaalka Iyo Shisheeyaha Magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.