Qarax culus ayaa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen askarta dowladda federaalka, Iyadoo faahfaahin laga helayo.
Qaraxa ayaa sigaar ah kaga dhacay agagaarka Xaruntii Jaamacadda Shabeelle, Waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaanada dhaca duleedka Magaaladan Muqdisho iyo sidoo kale qeybo ka mid ah gudaha Caasimadda.
Gaariga Cabdi bilaha ee qaraxa lala beegsaday waxaa soo gaartay waxyeelo xoogan sidoo kale askartii la socotay iyaguna waxaa soo gaartay khasaara kala duwan.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha iyo duleedka Magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.