Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in qarax miino lala helay gaari ay la socdeen mas’uuliyiinta maamulka degmada Qoryooley wuxuuna qaraxaas sababay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan mas’uuliyiintaas labeegsaday.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa kamid ah madaxii maaliyadda degmada,taliyihii ciidanka iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Qoryooleey waxaana la sheegay in dhaawacyadoodu ay aad uliitaan.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in 4 kamid ah saraakiisha maamulka degmada Qoryooleey ay ku dhinteen qaraxa oo dhacay xilli mas’uuliyiintaas ay kasoo laabanayeen magaalada Marka oo ay uga qeyb galeen soo dhoweyntii Kheyre shalay halkaas loogu sameeyay.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay weerar dhowr ah ku qaadeen xarumo maamul oo ku yaal degmada Qoryooleey iyagoona muddo saacada ah maamulayay.