Wararka laga Helayo Wilaayada Shabeelada Hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Wilaayadaasi uu ka dhacay Qarax culus.
Qaraxan ayaa lala beegsaday Maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Ridada Federaalka kuwaasi oo ka baxay Deegaanka Numbar-50 kuna sii jeeday Deegaanka Bariire oo ka wada tirsan Shabeelada Hoose.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shan askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka.
Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa xilli sidoo kale Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal toos ah ku qaadeen Saldhiga iyo Fariisinka Maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen Deegaanka Ceel-saliindi oo hoostaga magaalada Marka.
Dagaalkan ayaa khasara isugu jira Naf iyo Maal lagu gaarsiiyay Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka.
Calamada.com