Magaalada Beledweyne ee wilaayada Hiiraan waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo qarax ah, kaasi oo ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo magaaladaasi ku sugnaa.
Qaraxa ciidamada mujaahidiinta ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday isbaaro maleeshiyada Riddada u tiillay galbeedka magaaladaasi, waxaana halkaasi ku dhintay hal askari oo murtad ah.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal kan la mid ah oo qarax ah ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen garoonka magaalada Baydhaba laguna beegsaday ciidamo ka tirsan kuffaarta xabashida Itoobiya, lagu dilay 3 askari oo Itoobiyaan ah, halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale.