Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah oo marayay inta u dhaxaysa deegaannada Finow iyo sheekh Barow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera.
Weerarka qaraxa ah ayaa si gaar ah u haleelay gaari nooca Tow_ga ah, waxaana la xaqiijiyay in isla goobtaasi uu ku burburay, sidoo kale waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii kuffaarta Kenya ee gaariga saarnayd.
Waxaa xusid mudan in qaraxaasu kaddib ay diyaarad Helicopter ah soo caga-dhigatay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxayna halkaas ka daabushay maydadka iyo dhaawacyada ciidamada Kuffaarta Kenya.