Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Kolanyada Itoobiyaanka ah ee qaraxa lala beegsaday ayaa ku socdaalayay Wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde oo ka wada tirsan Wilaayada Baay iyo Bakool.
Qaraxa ayaa haleelay Gaari Uuraal ah oo ay la socdeen askar fara badan oo ah Xabashida Itoobiya,Iyadoo gabi ahaan qaraxa uu burburiyay Gaariga Uuraalka ah.
Sidoo kale qaraxa waxaa Baqti iyo Dhaawac ku noqday Askartii Xabashida ee la socotay Gaarigaasi Uuraalka ah, Waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Calamada.com