Wararka naga soo gaaraya Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu maanta ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.
Qaraxan oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo lug ah oo ka tirsanaa kuffaarta Afrikaanta, waxaana uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Buufoow ee duleedka magaalada Marka.
ilaa hadda lama hayo tirada rasmiga ah ee askarta halkaas kaga dhimatay cadowga ama kaga dhaawacmay balse wararku sheegayaan inuu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamada la beegsaday ee lugeynayey.
Guutada qaraxyada ee Mujaahidiinta ayaa mudooyinkii la soo dhaafay xoojiyey weerarada ay ku ugaarsanayaan ciidamada gumeystaha iyo dabadhilifyadiisa ku sugan Sh/hoose.