Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ah ka fuliyeen xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, waxayna beegsadeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Riddada ee gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa si gaar ah u beegsaday gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka Riddada ee degmada Dayniile murtad Jacfar, waxaana la xaqiijiyay in uu ka badbaaday gaariga, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay guddoomiye waaxeed ka tirsan xaafadda Daarusalaam iyo laba askari oo murtadiin ah.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho lagu dilay murtad lagu magacaabi jiray “Biibaaye”, kaasi oo ahaa askari dharcada oo ka tirsanaa sirdoonka Riddada.