Ciidamada guutada qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la eegteen sarkaal iyo maleeshiyaad murtadiin ah oo ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Koonfur-galbeed.
Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa si wayn looga maqlay xaafadaha magaalada Baraawe, ayay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha saldhigga Booliska, waxaana halkaas ku dhaawacmay taliyaha Booliiska maamulka Riddada Koonfur-galbeed ugu magacaaban degmada Baraawe murtad Aadan Yuusuf (Aadan Baroon) iyo 2 askari oo ilaalo u ahayd.
Howlgalkan qaraxa ah ee ka dhacay degmada Baraawe ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu weerar isugu jiray dagaal toos ah iyo mid madaafiic ah ku qaadeen xerada maleeshiyada murtadiinta ee deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay ilaa laba askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay askari kale.