Qarax culus oo lala beegsaday Gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Magaaladan Muqdisho.
Qaraxa oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay Xaafado badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa haleelay gaari Nooca Raaxada ah oo uu Sarkaal la socday, Iyadoo gaariga uu burbur xoogan uu soo gaaray.
Sarkaalka la beegaday ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Xisbiyow kaasi oo la xaqiijiyay in dhaawac culus uu soo gaaray, Waxaa Sarkaalka la dhaawacmay Labo askari oo Ilaaladiisa ka mid ah.
Sidoo kale qaraxan waxaa ku dhintay Hal askari oo isagana ka mid ahaa Ilaalada gaarka ee sarkaalka la beegsaday, Waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah Dowladda Ridada Federaalka ee ay ka fulinayaan gudaha Magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.