Qaraxan ayaa ka dhacay gudaha degmada Hodan ee Magaaladan Muqdisho, Iyadoo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay guri ku yaala inta u dhaxeyso Shiirkoole iyo Black-sea ee degmada Hodan, Waxaa dhawaaqa qaraxa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan kooxda Ridada Somalia kaasi oo lagu magacaabi jiray Ducaale.
Murtadkan waxaa lala dilay hal askari sidoo kale waxaa dhaawacmay hal askari kaasi oo la xaqiijiyay inuu dhaawiciisa culusyahay.
Dilka sarkaalkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay howlgal ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha suuqa Bakaaraha ay ku dileen Labo Xirigle Carab Budul oo ka tirsanaa kooxda Ridada gaar ahaan qeybta lacagaha baada ka qaada shacabka Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.