Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay deegaanka dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa lagu beegsaday askar katirsan dowladda Federaalka oo gelbinayay saraakiil Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu sababay dhimashada sedax askari oo katirsan ciidamada dowladda.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay laba qof waxaana kamid ah sarkaal katirsan dowladda Turkiga oo qeyb ka ahaa kolonyada qaraxa lagu beegsaday, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.
Inta badan deegaanka Ceelasha Biyaha waxaa ka dhaca qaraxyo lagu beegsado askarta dowladda Federaalka iyo shisheeyaha qeybta ka ah duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.