Guutada qaraxyada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan ayaa maanta qaraxyo xooggan ku weeraray askar ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta Jabuuti ee Hiil gaalo.
Qaraxyo illaa iyo labo ah ayay guutooyinka qaraxyada ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab gudaha degmada Jalalaqsi kula beegsadeen ciidamo ka tirsan Ridada Jabuuti, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Inta la xaqiijiyay dhimashada qaraxyada ee maleeshiyaadka Ridada Jabuuti waa 4 askari iyo dhaawaca 3 kale.
Dhimashada iyo dhaawacyada qaraxyadan ka dhacay magaalada Jalalaqsi ayaa kusoo beegmaya xilii weerar ka dhacay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo lagu dilay 1 askari oo Kenyaan ah waxaana kasii horreeyay qarax ka dhacay duleedka degmada Baraawe oo lagu gubay gaari booyad ah ayna dhimasho iyo dhaawacyo ku noqdeen ciidamada kuffaarta Yugaandha.
Calamada.com