Ciidamada mujaahidiintu waxay howlgallo qaraxyo ah ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku kala sugnaa gobollada Banaadir iyo Jubbada hoose, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay askarta Riddada.
Qaraxa koowaad, waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Kaaraan gaar ahaan xaafadda Xaawo Casir, waxaana lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo murtadiinta ay leeyihiin, laba askari oo murtadiin ah ayaa weerarka lagu dilay halka saddex kalena lagu dhaawacay.
Qaraxa labaad waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Heliwaa gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha, kaasi oo lala beegsaday fariisin murtadiinta ay ku leeyihiin xaafaddaas, sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu qaraxa 3-aad ka fuliyeen degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Carafaat, waxaana lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen murtadiinta, askari murtad ah ayaana lagu dhaawacay qaraxaasi.
Dhanka Kismaayo, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax culus ku beegsadeen mid kamid ah xarumaha maamulka Riddada Jubaland ay ku leeyihiin gudaha magaalada Kismaayo, waxaana jira khasaare soo gaaray maleeshiyaadkii Riddada ee halkaasi ku sugnaa.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Afrikaanta iyo saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay sida wadajirka ah uga degganyihiin degmada Qoryooley ee Sh/hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.