Ciidamada mujaahidiintu waxay maanta weerar qarax ah ka fuliyeen deegaanka Buurane, kaasi oo lala eegtay askar ka tirsan kuffaarta Burunid, kuwaa oo ku lugeynayey deegaankaasi, waxaana qaraxaasi ku dhintay laba askari oo ka tirsanaa Kuffaarta Burundi.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha Buula-mareer, waxaana lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa isbaaro u tiilay murtadiinta, waxaana ku dhintay qaraxaasi 1 askari, halka mid kalana waa uu ku dhaawacmay.
Dhanka kale faahfaahin ayaa laga helayaa howlgal qarax ah oo saaka ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen askar ka tirsan kuffaarta xabashida Itoobiya oo ku sugnaa Airport-ka magaalada Baydhaba, waxaana howlgalkan lagu dilay laba askari oo Itoobiyaan ah, halka lagu dhaawacay askari kale oo Itoobiyaan ah.